Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Wasaaradda shaqo gelinta, Arrimaha bulshada iyo Qoyska Somaliland ayaa shaacisay in maalinta berri ay shaqaalaha rayidka ahi shaqada fasax ka noqon doonaan xuska maalinta dhalashadda  nebiga awgeed.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda shaqo-galinta, Arrimaha bulshada iyo Qoyska Md. Maxamed  Cilmi  Aadan (Ilkacase) Oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Wararka Radio Hormuud ayaa dhignaa sidan:-

Hargeysa(RH)Wakiilka Somaliland ee dalka Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa ka hadlay xidhiidhka labada dal,waxaanu tilmaamay in xidhiidh qoto dheer oo dhinacyo badan leh inuu labada dal ka dhexeeyo,isla markaana xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti inuu marayo halkii ugu sareeysay.

Hargeys(RH)Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka subaxii hore safar ugu baxay gobolada bariga Somaliland.

U jeedada socdaalka Madaxwaynaha iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa waxaa Xoggo hoose sheegayaan in ay tahay in uu kormeer indho indhayn ah ku soo sameeyo goboladaasi, ka dib markii dhaliil badani ugu timid shacabka Maadaama Oo Madaxweynuhu gobolada bariga tagin sidii loo doortay .

Laas-caanood(RH)Wasiirka Arrimaha Gudaha JSl Maxamed Kaahin Axmed oo ay Weheliyaan Wafti Wasiiro ah iyo Gudida Nabadaynta golaha guurtida , Maamulka Heer Gobol iyo Heer degmo ee Gobolka Sool ayaa saaka Si rasmiya u Dhagax dhigay Dhismaha Waddo laamay ay oo isku xidhi doonta Madaarka iyo Magaalada Laascaanood.

Dhismaha Jidkan Laamayga Ah oo dherer ahaan Dhan 5KM ayaa loogu magac daray Garaad Ismaaciil Ducaale Road.

Hargeysa(RH)Dowlada Itoobiya ayaa Safiirkeedii u fadhiyay Somaliland ugu yeedhay Si deg-deg Ah waxaana jira warar kala duwan oo yeedhmadiisaasi u yeeshay wajiyo kala duwan, safiirkan ayaa in loo yeedhay waxaa cadeeyay maanta Xildhibaan/Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah golaha guurtida waxaanu yidhi “ waxaay itoobiya u yeedhay safiirkeedii halkan “Hargaysa” u fadhiyay warna uma hayo in la soo celiyay iyo in kale” dhinaca kale waxaa jira xogo hoose oo sheegay in uu sii yaraanayo xidhiidhkii ka dhexeeyay labada dal ee Somalialnd iyo Itoobiya

Hargeysa(RH)Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Magaalada Nairobi, ayaa baahiyey in Dowladaha Somaliland iyo Kenya ay ka wada shaqeynayaan  sidii ay u yeelan lahaayeen cilaaqaad adag oo dhinaca ganacsiga ah.

Warka Wargeyska Daily Nation uu daabacay maanta waxa lagu sheegay in labada dal ay dhiirigelinayaan maalgashiga xudduudaha iskaga gudba, warbixintaasina waxay u qornayd sidan:-

Hargeysa(RH)Ciidanka Dab-damiska Caasimada Hargeysa oo ay Weheliyaan Laamaha Amaanka iyo Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Somaliland ayaa Maanta Abaaro 11:30 kii ka Hawlgalay Shil baabuur oo ka dhacay Tuulada Abaarso ee Duleedka Galbeed ee Magaalada Hargeysa.

Shilkan ayaa waxaa ku dhaawacmay 9 Qof, waxaana sababay shilkaas darawalka gaadhiga oo ka leexday Neef Geela oo Waddada Marayay.

Hargeysa(RH)Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo ka mid ah Madax-dhaqameedka waaweyn ee Somaliland gaar ahaan kuwa Gobolka Maroodi-jeex ayaa si culus oo adag uga hadlay xaaladda dalku maanta marayo isaga oo dhaliilo culus u soo jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa kana hadlay arrimo badan oo uu Boqorku baaq ka diray.

 

Hargeysa(RH)Xukuumadda Somaliland, ayaa ka dib markii ay dhammaystirtay Hay’adda shaqaalaha dowladdu Tiro koobkii lagu sugay shaqaalaha Dowladda u shaqeeya ee kala duwan waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday daahfurta Bilawga Baahinta Kaalmihii Shaqo ee soo baxay iyo kuwa cusub ee la Dowladdu qaadanayso oo gobolkii u horeeyey ee tartankaasi si daahfuran looga bilaabayoa uu noqday Gobolka Sanaag ee Bariga Somaliland.