Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday in ay la baahiyo wararka Shabaab

Muqdisho (RH)-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah sheegtay in la mamnuucay Baahinta Wararka Al-Shabaab.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in maanta laga billaabo aan la baahin karin warar la xiriira Al-Shabaab, tallaabana laga qaadi doono cid kasta oo warkaa baahisa.

Waxa uu sheegay in dowladda ay xirtay illaa 40 barood oo ah kuwa Social Media oo Al-Shabaab ku baahineysay Wararkeeda, sida uu sheegay.

Warar la isku haleen karo ayaa sheegaya in barayaasha la xiray in ay ku jiraan kuwa uu fariimaha soo dhigi jiray Sheekh Xasan Daahir Aweys oo mar ka mid ahaa hoggaamiyayaasha dhaqdhaqaaqyada islaamiga ee Soomaaliya, oo hadda gacanta dowladda ku jira.

"Waxaa la beegsan doonaa Warbaahin kasta ama shaqsi kasta oo lagu helo faafinta farriinta ficilada Kooxdaasi Argagixisada ah" ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya.

Hadalka wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, ayaa ku soo aadaya iyadoo gobollada bartamaha Soomaaliya ay ka socdaan dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo qaar ka mid dadka shacabka iyo Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa horrey u sheegtay in dalka uu ka billowday dagaal ka dhan ah Al-Shabab.

Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia

 

Category