Somaliland Oo Shirwaynaha Xisbiga Muxaafidka Dalka Ingiriiska Ku Soo Bandhigtey Qadiyadda Jamhuuriyada Somaliland

London-(RH):- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud oo socdaal shaqo ku jooga dalka Ingiriiska ayaa ka qayb galay shirwaynaha xisbiga muxaafidka dalka Ingiriiska.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr Ciise Kayd oo shireynaha  xisbiga Muxaafidka Ingiriiska lagu casuumay,ayaa ka jeediyay qudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu kaga hadlay qadiyada aqoonsiga Somaliland,hannaanka geeddi socodka dimuquraadiyadda,nabad gelyada iyo guud ahaan xaaladda Mandaqada.

 

Waxaa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Ciise oo lagu soo martiqaaday shirweynaha xisbiga muxaafidka ee dalka Ingiriiska oo la soo gebagebeeyey ayaa qudbad uu ka jeediyey  cinwaan looga dhigay Somaliland: Qadiyad Afrikaan oo guulaysatay, wuxuu si ballaadhan uga warramay xaaladda guud ee dalka, horumarka dhinacyada kala duwan laga gaadhay iyo hadafka bulshada Somaliland ee ah helitaanka aqoonsi caalami ah.

 

 

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud ayaa qoraal uu soo saarey ku yidhi “Waxaan la wadaagay qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee ku aaddan helitaanka aqoonsiga shirka xisbiga muxaafidka ah Ingiriiska ee ka dhacay Birmingham oo qayb ka ahaa dood cilmiyeed loogu magac daray “Somaliland: Qadiyad Afrikaan guulaysatay”

 

Waxaanu raaciyey “Waxaan kula wadaagay xildhibaano iyo saaxiibo badan sababta ay Somaliland xaq ugu leedahay aayo ka talinta oo ay tahay in la ixtiraamo oo la aqoonsado.”

Doodda qadiyadda Somaliland ayey sidoo kale hadalo ka jeediyeen Wasiirka amniga Ingiriiska Md. Tom Tugendhat iyo xildhibaan Gavin Williamson oo ka mid ah saaxiibada xukuumada Somaliland ee xukuumada Ingiriiska iyo Xubnaha xildhibaanada Ingiriiska.

Geesta kale Wasiir Dr Ciise iyo masuuliyiinta Safaarada Somaliland ee Ingiriiska ayaa kulmo gaar gaar ah la yeeshay masuuliyiinta kala duwan ee ka soo qeybgalay, isla markaana u heleen fursad ay ugu gudbiyaan qadiyada madaxbannaanida Somaliland iyo aqoonsi caalamiga ah oo caalamka ay ka sugayaan bulshada Somaliland.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr Ciise ayaa kulan la yeeshay jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska

Kulanka oo ay ka soo qeybgaleen Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee Ingiriiska Md. Cabdi Cabdilaahi Dayaxweerar, saraakiisha safaaradda, madaxda jaaliyadaha iyo qaar ka tirsan jaaliyada Somaliland ee deggan dalka Ingiriiska ayaa la sheegay inuu daarranaa is xog waraysi xaaladda guud ahaan dadka reer Somaliland ee ku dhaqan waddanka Ingiriiska iyo gaar ahaan jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool magaaladda Birmingham.

Wasiir Dr Ciise oo la sheegay inuu warbixin ka siiyey jaaliyadda xaaladda dalku  marayo ayaa sheegay inay nabadgelyo buuxda ka jirto, ku timi wada shaqeynta ciidamada ammaanka iyo bulshada.

 

 

Category