Dulimaadyada garoonka Aadan Cabdulle oo dib u bilowday kadib hakad ku yimid

Muqdisho (RH)-Duulimaadyada garoonka diyaaradaha ee Aden Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa dib u bilowday kadib markii ay saacad iyo dheeraad hakad ku jireen.

Diyaarad rakaaba oo ka timid Baydhabo ayaa barqadii ku dhacday garoonka, taasoo xanibtay dulimaadyada diyaaraddihii garoonka ka bixi laha ama soo cago dhigan lahaa.

Dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradda dhacday ayaa ka badbaaday shilka diyaaradeed.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya Axmed Macalin ayaa BBC-da u sheegay in la nadiifiyay goobtii ay ku dhacday diyaaradda isla markaana ay si caadiya u bilowdeen duulimaadyadii garoonka Aden Cabdulle.

Axmed waxa kale oo uu sheegay in la bilaabi doono baaritaanka sababihii keenay dhicitaanka diyaaradda.

diyaaraddii ku dhacday garoonka diyaraaha ee Muqdisho

Xiggasho: BBC

Category