Shirka arrimaha doorashooyinka oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho (RH)- Magaalada Muqdisho waxaa maata oo Sabti ah si rasmi ah uga furmay shirka wadatashiga ee u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo maamul goballeedyada.

Shirka waxaa kaloo qeybgalaya guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoominaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka ayaa looga hadlayaa hannaanka doorashada iyo dhammeestirka hannaankaas oo lagu saleenayo heshiiskii 17-kii September ee sannadki horre.

Shirka ayaa qeyb ka ah sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka taagan doorashada waqtigeeda dhaafay.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, HIrshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

Raysal wasaaraha Soomaalia ayaa shirkan shaaciyay wax yer uun kaddib markii madaxweynaha uu dardar galinta arrimaha doorashooyinka isaga u xil saaray kadib markii baarlamaanka uu ka laabtay heerkii jiheenta doorashada oo hey'adda dowladda muddo kororsi labo sanno loo sameeyay

Arrintaas oo markii dambe magaalada Muqdisho rabshado ka abuurtay

 

Shirka arrimaha doorashooyinkaShirka arrimaha doorashooyinkaShirka arrimaha doorashooyinka

Radio Hormuud

Studio 3

Migadish

Category