Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Furey Shirkii 2aad Ee Nafaqaynta Hooyada iyo dhallaanka

Hargeysa(RH)Madaxweyne ku xigenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Shir guddoomiyey Shirka Nafaqada hooyada iyo dhallaanka. shirkaa oo ay goob joog ka ahaayeen xubno ka mida Golaha Wasiirrada oo qaybka ah barnaamijka nafaqeynta.

Ugu horayn, waxaa halkaasi ka hadlay Isu-duwaha guud ee Barnaamijka Dr. Sakariye Daahir oo Guddida warbixin faah faahsan ka siiyey waxyaabaha u qabsoomay Barnaamijka Nafaqada Qaranka, Lixdii bilood ee lasoo dhaafay,

Amaal Dacar oo iyaguna ka socotay Bulshada rayidka ah ayaa Barnaamijka Nafaqada hooyada iyo dhalaanka warbixin ka siisay Guddi hoosaadka ku bahooday Barnaamijkan, sidoo kalena waxaa shirkaasi lagaga dooday isla markaana lagu naaqishay ajandaha siyaadada Barnaamijka iyo qaabkii loo dardar gelin lahaa wax qabadka lixda bilood ee soo sacota sannadkan 2019-ka, Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka ayaa isna soo bandigay warbixinta la xidhiidha wasaaradooda iyo waxyaabaha u qabsoomay.

Madaxweyne ku xigenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku si maha madaxweynaha somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ah Gudoomiyaha Barnaamijkan ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhamays tiro waaxyaha ka dhiman Barnaamijkan, sidoo kalena waxa uu ku booriyey Xubnaha Wasiirada inay dardar geliyaan barnaamijkan si qaranka looga faa’iideeyo, waxaa kale uu xusay inay lagama maarmaan tahay anba qaadka Barnaamijkan ka midho dhalintiisu.

 

Category