Nuxurka Kulan Dhexmarey Madaxweynaha Somaliland iyo Xoghayaha Difaaca Dalka Ingiriiska

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Xoghayaha  Difaaca ee Dalka Ingiriiska, Mudane Gavin Williamson oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo  Boqortooyada Ingiriiska oo ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay 1960-kii, iyadoo safarka Xoghayaha  Difaacuna uu yahay safarkii u horeeyey ee masuul  xilka wasaarada difaacu uu ku yimaado Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada dal ee Ingiriiska iyo Somaliland, lana dar-dar geliyo horumarinta arrimaha iskaashi ee ka dhexeeya labada waddan.

 

Waxaana Madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, Gashaandhigga iyo Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan Dalka Ingiriiska.

 

 

 

Category