Shirwaynaha Qaran Ee Warbaahinta Somaliland Oo Maanta Ka furmay Magaalada Hargeysa

Hargeysa(RH)Shirweynaha  Qaran ee Warbaahinta Somaliland oo lagu lafo-gurayo    horumarinta Saxafadda dalka iyo  sidii daneeyayaasha Warbaahintu ay iskaga xog waraysan lahaayeen duruufaha jira, ayaa maanta ka furmay Huteelka Maansoor ee caasimada Hargeysa.

Shirweynahan oo  socon doona muddo laba maalmood ah, waa kii u horreeyey ee noociisu ka qabsoomo dalka  waxaana ka soo qaybgalay lix wasiir oo Xukuumadda ka tirsan,  qaybaha kala duwan ee Warbaahinta dalka, masuuliyiinta ururrada Saxaafadda Somaliland iyo saraakiil ka socday xisbiyada  qaranka.

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta, Xasan Maxamed Yuusuf, oo shirkaas ka hadlay  ayaa sheegay in  shirkani muhiim u yahay saxaafadda dalka isla markaana la iskaga xog-waraysan doono kaalinta togan ee Saxaafaddu kaga jirto horumarka dawladnimo ee Somaliland. Waxa kaloo uu intaas ku daray in masuuliyiinta Xukuumadda looga baahan yahay inay ka waantoobaan inay iska xidhaan Suxufiyiinta, iyadoo Warbaahintana laga doonayo   xil iska saaraan shaqada ay dalka u hayaan ee  xasaasiga ah.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo shirkaas ayaa ka hadlay muhiimada kulankani u leeyahay Saxaafadda, waxaanu tilmaamay in ay jiraan tabashooyin ay ka tirsanayaan Xukuumadda, waxaanu ku dooday inay jiraan Suxufiyiin si sharci darro ah loogu xidhay gobollada dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa u soo jeediyey  Saxaafadda  inay  isa saxaan oo ay khaladka ka qabtaan suxufiyiinta faafiya warar been abuurka ah ee wax u dhimaya nabadgelyada, waxaanu tusaale u soo qaatay Suxufiyiin lagu xidhay Ceel-afweyn, markii ay baahiyeen war halis ku ahaa nabadeyntii laba ardaa oo walaalo ah oo degaankaas ay ku dhex martay shaqaaqooyin ay ku dhinteen dad ka badan boqol qof.

Wasiir Maxamed Kaahin waxa kaloo uu xusay in xukuumaddu si dhow ula shaqeyn doonto ururrada Saxaafadda ee SOLJA iyo  WIJA, waxaanu caddeeyey in Xukuumadda uu ka tirsan yahay ay soo dhaweynayso wixii dhaliil jira ee Saxaafaddu ka qorto.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax oo shirkaas furay ayaa sheegay in shirkan lagu  falanqeyn doono sidii looga gudbi lahaa caqabadaha Saxaafadda Somaliland hortaagan, isla markaana la iskaga xogwaraysan doono wixii hore loogu kala sheegi jiray Xukuumadda iyo Saxaafadda.

Wasiirku wuxuu  xaqiijiyey go’aamada ka soo baxa shirkan lagu dhaqi doono Warbaahinta dalka iyo ta dibadda ee ka hawlgasha Somalilnd, waxaanu xusay in muddadii ay joogeen ay ku dedaaleen sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadleyaasha warbaahinta, waxaanu balanqaaday in aanay dhici doonin in Xukuumadda iyo Saxaafaddu isku noqdaan nacab iska soo horjeeda.

Waxa kaloo furitaankii shirweynahaas ka hadlay Wasiirrada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cabdilaahi Axmed, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Hinda Jaamac Xirsi iyo marti sharaf kala duwan.

 

Category