Yuusuf Garaad oo qoraal ka qoray qofka uu ahaa Axmed Maxamed Siilaanyo

Allah ha u naxariisto Silaanyo. Wuxuu ahaa aqoonyahan, halgamaa iyo hoggaamiye miisaan leh.

Wuxuu ahaa nin khibrad ballaaran, hadalkana heli og oo aan jeclaa in aan wareysato, uu doodaha igala qeyb galo ama iskeey ula sheekeysto si aan macluumaad uga helo.

Dood taarikhi ah oo adag ayaan xusuustaa oo uu 1997, Soomaaliya oo aan markaa Dowladi ka jirin, uu la galay Cabdullaahi Yusuf Axmed, Maxamed Qanyare Afrax iyo Cumar Macallin.

Afartaa mas’uul ee dooddaa ka qeyb galay, isaga ayaaa u dambeeyay.

Dhammaantood Allah ha u naxariisto.

Wuxuu ahaa mas’uul aan xushmad iyo qaddarin u hayo. Isaguna i tixgeliya. Isaga oo ah Mucaaradka Somaliland ayuu iga aqbalay xaflad BBC oo Hargeysa ka dhacaysay oo aan ku casuumay oo waliba aanuu hadal ku lahayn maaddaama Madaxweyne Cigaal uu ahaa mas’uulka ugu maamuuska sarreeya martisharafta oo habeenkaa uu ka mid ahaa Madaxweynaha hadda xilka haya Muuse Biixi.

Silaanyo isaga oo Madaxweyne ah ayuu London iga aqbalay in uu nagu soo booqdo Bush House.

Silaanyo isaga oo Madaxweyne ah ayuu London iga aqbalay in uu nagu soo booqdo Bush House.

Wuxuuna igu soo dhoweeyay gurigiisa Burco mar aan salaan iyo xogdoon ugu tegey.

Waxay dad badani xusuustaan hadalkii uu jeediyay markii Taangiyada Ethiopia ay ka dagaallamayeen Xamar.

Waxaa kale oo xusid mudan in uu yahay hoggaamiyihii ku dhiirraday ee billaabay wadahadallada rasmiga ah ee Soomaaliya iyo Soomaliland.

Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskiisa, reer Somaliland oo uu Madaxweyne u noqday iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed oo marna uu Wasiir u ahaa marna uu ahaa Guddoomiyaha Jabahaddii SNM ee dad badani ku taageersanaayeen dagaalkii adkaa ee ay la gashay Taliskii militeriga.

Yuusuf Garaad oo ka hadlay geerida Siilaanyo iyo qofka uu ahaa

W/Q:Yuusuf Garaad Cumar wasiirkii horre ee arrimaha dibadda Somalia

 

Category