Wabiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay Shabeellaha Dhexe

Muqdisho; (RH)—Deeganno hor leh ayuu wabiga Shabeelle fatahaad ka sameeyay kuwaasoo ku yaalla gobalka Shabeellaha Dhexe, waxaana isa soo taraysa saameynta fataahadda ay geesatay.

Deegannadii ugu dambeeyay ee webiga fataahadda u ka sameeyo ayaa waxa ay hoostagaan degmada Jowhar, Mahadaay iyo Balcad oo dhammaantood ka tirsan gobalka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka gargaarka iyo musiibooyinka dowladda federaalka ayaa horrey uga digay wabiga Shabeelle in uu fatahaad ka sameeyo goballo ku yaalla dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, wabiga ayaa fatahaad ka sameeyay deeganno ku yaalla gobalka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay ku barakaceyn kumanaan qof, waxaa kale oo ku burburay dhul beereed fara badan.

Waxaa kale oo hakad uu ku yimid wadooyin ku yaalla gobalka Shabeellaha Dhexe, iyadoo laga cabsi qabo in ay go'do wadaddada isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad 100,kun oo qof ay saameeyeen fatahaada wabiga Shabeelle isla markaana afar qof ay ku dhinteen.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

 

Category