Vitamin B Faaidooyinka uu jidhka u leeyahay iyo cuntooyinka lagahelo.

RH: Vitamin B waa koox ka kooban macdano muhiim ah oo door weyn ka ciyaara caafimaadka iyo shaqada jidhka.  

Waxaa jira dhowr nooc oo Vitamin B ah, kuwaas oo mid waliba leeyahay faa'iidooyin gaar ah. Halkan waxaanu idiinku soo gudbinaynaa warbixin ku saabsan faa'iidooyinka Vitamin B, noocyada uu u kala baxo, iyo cuntooyinka laga heli karo: 

Faa'iidooyinka Vitamin B: 

  • Tamarta iyo Metabolism-ka: Vitamin B-ka waxay kaalin muhiim ah ka ciyaaraan beddelka cuntada ee tamarta. Waxay ka caawiyaan jidhka inuu si hufan u isticmaalo karbohaydraytyada, borotiinnada, iyo dufanka. 

  • Caafimaadka Maskaxda: Qaar ka mid ah macdanaha B, sida B12 iyo B6, waxay muhiim u yihiin shaqada neerfaha iyo caafimaadka maskaxda. Waxay ka qayb qaataan soo saaridda kiimikooyinka dareenka ee sida serotonin iyo dopamine. 

  • Caafimaadka Wadnaha: Vitamin B1 (Thiamine) iyo B12 ayaa lagu xidhiidhiyey in ay yareeyaan halista cudurrada wadnaha. 

  • Difaaca Jidhka: Vitamin B6 waxay kaalin muhiim ah ka qaadataa dhismaha unugyada dhiigga cad, taasoo xoojisa nidaamka difaaca jidhka. 

  • Caafimaadka Maqaarka iyo Timaha: Macdanaha B sida Biotin (B7) waxay muhiim u yihiin caafimaadka maqaarka, timaha, iyo indhaha. 

 

Noocyada Vitamin B iyo magac caafimaadka loo yaqaano: 

  • B1 (Thiamine) 

  • B2 (Riboflavin) 

  • B3 (Niacin) 

  • B5 (Pantothenic Acid) 

  • B6 (Pyridoxine) 

  • B7 (Biotin) 

  • B9 (Folic Acid) 

  • B12 (Cobalamin) 

  •  

Cuntooyinka Laga Helo Vitamin B: 

  • B1: Qamadiga buuxa, digirta, iyo miraha macaan. 

  • B2: Caanaha, ukunta, iyo cagaarka caleenta ah. 

  • B3: Hilibka, kalluunka, iyo lowska. 

  • B5: Avocado, digaaga, iyo qamadiga buuxa. 

  • B6: Muuska, baradhada macaan, iyo digirta. 

  • B7: Ukunta, lowska, iyo soyabeans ka. 

  • B9: Cagaarka caleenta ah, liinta, iyo digirta. 

  • B12: Kaliya waxaa laga helaa cuntooyinka xoolaha sida hilibka, kalluunka, caanaha, iyo ukunta. 

 

Si loo helo faa'iidooyinka buuxa ee Vitamin B, waxaa muhiim ah in la cuno cunto isu dheellitiran oo ka kooban noocyada kala duwan ee cuntooyinka kor ku xusan. Haddii aad dareemayso inaadan heli karin Vitamin B ee kugu filan cuntooyinka aad cunto, la tasho dhakhtarkaaga ama takhasusle cunto si uu kaala taliyo suurtagalnimada inaad qaadato kaabisyo ama (Kiniin) . 

 

Diyaarinta: Mohamed-Amiin

 

Category