Shirkii Afraad Ee Culimadda iyo Suxufiyiinta Somaliland Oo ka Furmey Hargeysa

Hargeysa(RH)Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa Magaalada Hargeysa ku qabtay kulankii Afraad ee culimada iyo Suxufiyiinta somaliland

Kulankaas ayaa waxa ka soo qaybgalay Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Md. Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaaliil Cabdilaahi Axmed, Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto),  Agaasimaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Yaxye Maxamed Cabdi, qaar kamid ah Culimada Dalka iyo suxufiyiinta ka hawlgasha  Jamhuuriyada Somaliland.

 

Ugu horayna waxa kulankaas ka hadlay Agaasimaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Yaxye Maxamed Cabdi waxaanu sharraxay kulankan iyo ujeeddada loo qabtay, waxaanu  suxufiyiinta kula dardaarmay inay ku camal falaan casharka qiimaha badan ee ay culimadu ujeediyeen.

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo u mahadnaqay cid kasta oo ka qayb qaadatay qabsoomida kulankaas, sidoo kale waxa uu suxufiyiinta kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan bisha barakaysan ee Ramadaan fadaa’isheeda.

Gabagabadiina waxa kulanka furay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, isagoo wacdi diini ah u jeediyey suxufiyiintii kulankaas ka soo qayb gashay, isla markaana kula  dardaarmay inay ka faa’iidaystaan fadaa’isha bisha barakaysan ee Ramadaan.

Kulanka culimada iyo suxufiyiinta ayaa Waxa uu socon doonaa muddo saddex cisho ah.

 

Category