Shiikh khudbada jimcaha maanta kuqornaa oo ku dhintay dagaalkii Boosaaso

Dagaalka ka taagan Boosaaso ee u dhaxeeeya ciidamadda Puntland, khasaaraha uu geystay ayaa gaadhsiisan dhimasho, iyada oo dad shacab ahi ay ka mid yihiin dadka ku waxyeelloobay.

Dadka dagaalkaas ku dhintay waxaa ka mid ah mid ka mid ah shuyuuukhda magaaladaas oo u dhintay firidhkii ka soo gaadhay madfac ku dhacay masaajid uu ku sugnaa agtiisa.

Sh Mukhtaar Abuubakar Afrax Al-suudaani, ayaa dhintay maalintii labaad ee dagaalkaas.

Shiikha ayaa xilligii uu u dhimanayey ka soo baxayey masaajidka, xilligaas oo oo hoobiye uu ku dhacay aafaafka hore ee Masjidka Salmaan Al-Faarisi.

Waxaana dhaawicii wakhtigaas soo gaadhay uu ugu geeriyooday cisbitaalka.

"Madfaca masaajidka hortiisa ku dhacay waxa uu ahaa qorigan hoobiyaa la yidhaadho, firir badan baa shiikha maskaxda, badyaha iyogarabkaa midig ee gacanta ka galay, isaga oo dhaawaca ayaan qaadnay qaybta degdegga ee cusbitaalka Boosaaso ayuu ku naf baxay" ayuu BBC-da u sheegay iimaamkii masjidka uu ka soo baxa shiikhu.

Shiikh Mukhtaar ayaa ka mid ahaa wadaaddada kutubta ka mariya masaajidkaas, isaga oo dhawr kitaab oo kala duwan ku dhammeeyey

Shiikha ayaa sida oo kale bishii laba mar khudbadda jimcaha ka geli jirey masaajidkaas.

"Nin khaatumo wanaagsan ku dhintay buu ahaa isaga oo masaajidka ka soo baxay salaaddi subax tukaday, khudbadda maanta jimacaha isagaa inoogu qornaa intuusan dhiman ka hor, waxaana uu igu yidhi khubadii waan diyaariyey, mawduuca aan ka hadli lahaana waxa weeye sannadka cusub, sannadka miilaaddiga ee dhalanaya waxa ay diintu ka qabtao" ayuu yidhi Maxamuud Ciise Maxamid 'fiinto' oo ah imaamka masjidka Salmaan Al-Faaarisi

Khasaaraha dagaalkan ayaa lagu soo warramayaa in tirada dadka kale ee ku dhintay ay intaas ka badan yihiin.

Waxaana jira qoys kale oo shan carruur ahi ay hal mar kaga dhimatay.

Dad badan badan ayaa barakacay oo u kala qaxay duleedka magaalada iyo xaafadaha dhibtu aanay gaadhsiisnayn.

 

Gunta dagaalka ka socda Boosaaso?

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa 24-kii bisha November soo saaray xeer madaxweyne oo uu ku magacaabayay agaasimaha cusub ee hay'adda PSF balse hoggaanka hay'addaasi ayaa magacaabistaasi iyo xil ka qaadistii agaasimihii hay'addaasi ku tilmaamay sharcidarro.

Ciidamada la dagaalanka aragigixsada Puntland ee PSF ayaa horay u sheegay in lagu fashilmay tallaabo la doonayay in ciidamada la isaga horkeeno, kadib muuqaal ay soo dhigeen PSF bogga ay ku leeeyihiin Facebook.

Waxaa muuqaalka lagu arkayay tiro kamid ah ciidamada Puntland oo sheegayo in aanay diyaar u aheyn inay weeraraan PSF.

Wasiirka Amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan oo BBC-da xilligaas la hadlay ayaa sheegay in aanay jirin waddo kale oo u furan hoggaanka hay'addaasi oo aan ka ahayn in agaasimaha PSF uu xilka ku wareejiyo agaasimaha cusub ee uu madaxweyne Deni magacaabay.

Wasiirku waxa uu agaasimaha xilka laga qaaday ku eedeeyay dib-u-dhaca ku yimid ku kala wareegidda xilkaasi, wuxuuna sheegay in uu ku rajo weyn yahay in xilkaasi lagu kala wareegi doono.Tan iyo markii ay soo baxday wareegtada madaxweynaha Puntland, waxaa magaalada Boosaaso soo gaarayay ciidamo badan oo ka tirsan kuwa PSF-ta oo u muuqday in ay ka gadoodsan yihiin xil ka qaadista agaasimaha hay'addaasi, waxaana arrintaasi walaac ka muujiyay shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Hay'addan ayaa waxaa marar badan soo maray khilaaf dhexdeeda ah iyo mid kala dhaxeeya hoggaanka Puntland, waxaana arrintaasi loo aaneynayaa in qaab ahaan ay ka madax-bannaantay dowladda balse hoggaanka Puntland ay doonayaan in ay maamulkeeda gacan ku yeeshaan.

Ciidamadan horey waxay u ahaayeen PIS balse waxaa loo kala saaray milatari oo ah PSF iyo mukhaabaraad PIA ah sababo la xiriira khilaafka joogtada ah ee hareeyay ciidankan iyo hay'adda maamushaba.

Maxay yihiin ciidamdaa PSF

Sida uu horay noogu sheegay Korneel Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan oo ahaan jiray madaxii hore ee ciidammada Daraawiishta Puntland, ciidamadan PSF ayaa ka tirsanaan jiray kuwa horey la isugu oran jiray PIS oo la aasaasay xilligii Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana markii ugu horreysay agaasime ka soo noqday Maxamed Aadan Bidaar.

Ciidamadani markii hore waxay isugu jiri jireen milatari iyo sirdoon loogu talagalay la dagaallanka argagaixisada balse markii dambe waa la kala saaray oo milatariga waxaa ku haray PSF, halka sirdoonkuna uu noqday mid ka baxsan.

"Ujeeddada loo aasaasay wuxuu ahaa la dagaalanka argagixisada maadaama argagixisadu ay wakhtigaasi Sebteembar 2001-dii wixii ka dambeeyay ay argagixisadu soo xoogeysatay, taliskanna muhiim uu u ahaa Geeska Afrika, Mareykankuna ay aad u daneynayeen." ayuu yiri Korneel Cabdiwaaxid oo sharraxaya ujeeddada loo aasaasay ciidamadan.

 

xigasho BBC

Category