Sawirro: Raysal wasaare Xamse Barre oo gaaray Beledweyne

Muqdisho (RH)-Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga ra'iisal wasaaraha oo ay ku jiraan wasiiro iyo xildhibaanno iyo saraakiil ciidan, ayaa waxaa garoonka Ugaaaska Khaliif ee magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyay madaxweynaha HirShabeelle iyo ku xigeenkiisa.

Safarka ra'iisal wasaaraha ayaa ku soo aaday iyadoo gobolka Hiiran qeybo badan oo ku yaalla ay ka socdaan howgallo ciidamada dowladda ay ka wadaan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Waxaa horrey gobolka Hiiran u tegay wasiirka gaashandhigga iyo taliyaha ciidamada xoogga.

Raysal wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Beledweyne

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category