Sawirro: Muqdisho oo martigalineysa shirwaynaha daraasaadka Soomaaliya

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maalintii ka socda shir waynaha 15-aad ee ururka caalamiga ee daraasaadka Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo caasimadda ay martigaliso shirkan oo waxaa ugu dambeesay sannadkii 1989-kii.

Shirka ayaa labadii cisho ee la soo dhaafay waxa lagu soo bandhigyo gaaraya dhowr iyo labaatan kuwaasoo badi ka hadlaya arrimaha Soomaaliya.

Shirkan ayaa inta badan ka dhacayay dibadda, halkaasoo lagu qabtay illaa 15 meerto sida uu sheegay guddoomiyaha qaban qaabada shirka Cabdiqaadir Maxamed Dhicisow.

Sidoo kale waxaa dhowr mar lagu qabtay dalka Jabuuti iyo magaalooyinka Jigjiga iyo Hargeysa.

Shirka ayaa waxaa kale oo ka qaybgalaya aqoonyahano, xeeldheerayaal, cilmibaarayaal ka socda caalamka kale iyo marti sharar ay ku jiraan dad ajnebi ah kuwaasoo ka qaybgalaya shirka.

Sida laga sheegay shirka labadii maalin ee la soo dhaafay, waxa hadafka ugu wayn ee laga lee yahay in aqoonyahanada Soomaaliyeed ay wax ka qaraan arrimaha Soomaaliya, sida dhaqaalaha, siyasadda iyo horumarinta afka iyo dhaqanka Soomaalida si dhaxal loogu reebo jiilka Soomaaliyeed.

Hal ku dhigga shirka ayaa loo bixiyay Dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya waaga cusub.

Shirka ayaa socon doona afar maalin, waxaana gabagabadiisa laga soo saari doonaa buugaag laga qoray wax yaabaha lagu soo bandhigay.

Muqdisho oo maalintii saddexaad ka socda shirwaynaha daraasaadka SoomaaliyaShirweynaha 15aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed.Shirweynaha 15aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed.Shirweynaha 15aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed.Shirweynaha 15aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed.Shirweynaha 15aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed.Shirweynaha 15aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed.Shirweynaha 15aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed.Shirweynaha 15aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category