Sannadkii ugu dambeeyay ee Jaamacadda ayey ku jirtay, waxayse ku dhimtay is rasaaseyn ka dhacday Muqdisho

Muqdisho (RH)-Allaha u naxariistee waxa saaka isbitaalka Erdogan ee horey loo oran jiray Digfeer ugu geeriyootay dhaawac ka soo gaaray rasaas lagu furay mooto bajaaj ay saarnayd Maryan Maxamad Xirsi oo ahayd gabadh ardayad ah oo ku jirtay sanadkii ugu dambeeyay ee Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Maryan oo ka soo laabatay tababar caafimaad oo ay ku qaadanaysay Isbitaalka Aden Cadde 11 kii bishan Diiseembar ayaa ciidan hubeysan waxay rasaas ku fureen mooto bajaaj ay saarnayd oo maraysay isgoyska Folarensa ee degmada Wardhiigley, waxana halkaas ka soo gaaray dhaawac aad u culus oo keenay aakhirkii inay saaka u dhimato.

Maryan waxay kamid ahayd ardayda Kuliyadda Caafimaadka iyo Qaliinka, waxayna ku jirtay sanadkii ugu dambeeyay ee waxbarashadeeda heerka koowaad ee Jaamacadda.

Xiggasho: BBC

Category