Ra'iisul wasaaraha Lubnaan oo is casilay

Ra'iisul wasaaraha Lubnaan ayaa ku dhawaaqay in uu xilka iska casilay kaddib qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Beyrut oo ay ku dhinteen in ka badan 200 qof.

Ra'iisul wasaare Xasan Diab ayaa is casilaaddiisa ka sheegay telefishinka qaranka.

Shacabka dalkaasi ayaa tilmaamaya inay ahayd in xilli hore si wanaagsan oo taxadar leh looga fekero, keydinta maadada ammonium nitrate ee Talaadadii ku qaraxday dekadda caasimaddaasi.

Shacabka waxay mas'uuliyiinta dowladda ku eedeeyeen inay wadaan falal musuq maasuq ah iyo maamul xumo.

Madaxweyne Mishaal Cown ayaa sheegay in 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate si aan ammaan ahayn loogu keydiyay makhaasiin halkaa ku yaallay muddo lix sano ah.

 

xigasho BBC

Category