Maxaa ka socda Maaalada Garowe ee xarrunta Puntland?

Muqdisho (RH)-Magaalada Garowe, ee xarrunta Puntland waxaa maalintii labaad ka socota madasha aragti wadaga oo sannadkiiba uu qabto machadka Heritage ee fadhigiisa uu yahay magaalada Muqdisho.

Madasha oo shaley furantay ayaa waxaa ka qeybgalaya masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, maamul goballeedyada, madaxweynayaashii horre ee Soomaaliya iyo shaqsiyaad xilal ka soo qabtay dalka iyo marti sharaf kale.

Madashan waa markii ugu horreysay oo lagu qabto Soomaaliya iyo Puntland, tan markii machadka Heritage la aasaasay sagaal sanno ka hor, sida uu sheegay agaasimaha machadka Cabdirashiid Khaliif Xaashi.

Madasha ayaa sannadkan looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin xaaladda doorashada Soomaaliya ee 2021, dib uu eegista dastuurka kumeel gaar ah, xaaladda ammaanka dalka iyo khilaafka ka dhex jira dowladda iyo maamul goballeedyada.

Madaxda ka qeybgalaysa shirka

Sidoo kale, waxaa madasha hadallo ka jeediyay madaxweynayaashii horre ee Soomaaliya, raysal wasaarihii horre, ra'iisal wasaare ku xigeenka, guddoomiyayaasha aqalka sare iyo golaha shacabka.

Sidoo kale, waxaa madasha barbar socotay dooddo iyo aragtiyo ay ka qeybgalayeen madaxda iyo martisharaf kale oo lagu casuumay.

Madasha ayaa la filayaa in berri oo Jimco ah la soo gabagabeeyo, sida ay sheegeen masuuliyiinta ka qeybgalaysa shirka.

Ammaanka goobta shirka ay ka socoto oo ah Jaamacadda PSU, ee magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay.

Madaxda ka qeybgalaysa shirka Garowe ka socda Madaxda ka qeybgalaysa shirka Garowe ka socda Madaxda machadka Heritage

Radio Hormuud

Studio 3

Mogdishu Somalia

Category