Madaxweynaha  Somaliland Oo La Kulmay Madaxa Hay’adda ICRC

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxa Guddiga caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) Mr. Simon Brooks.

 

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay weftiga, ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Guddida caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) looguna diyaar garoobi lahaa qorshaha sannadka 2019-ka, oo ay ICRC xoogga ku saari doonto adeegyada aas-aasiga ah iyo gurmadka deg-degaa, iyadoo la kaashanaysa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland.

 

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda  Horumarinta Caafimaadka, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, halka dhinaca weftigana ay weheliyeen Madaxa laanqayrta cas, masuuliyiin ka socday ICRC oo uu ka mid ahaa Wakiilka u qaabilsan Xafiiska ay Somaliland ku leedahay Laanqayrta cas Mr. David McMullen.

 

 

 

 

 

 

Category