Madaxweynaha JSL Oo Xilkii ka Qaaday Guddoomiyihii Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-292/042019 uu ku magacaabay Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

 

 

Markaan Arkay:       Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

           

Markaan Arkay:       Aqoonteeda, Kartideeda iyo Waaya-aragnimadeeda;

 

Markaan ku Qancay:           In ay Hanan Karto Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

 

Markaan Sameeyey:            La-tashi;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In Dr. Luul Jirde Xuseen Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxaan uga mahadcelinayaa Guddoomiyihii hore muddadii uu hayey xilka Qaranka.

 

 

 

Category