Madaxtooyada Soomaaliya oo ka jawaabtay eedeymihii "Afgembi" ee loo jeediyay

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka jawaabatay eedaymihii uu u jeediyay Ra''iisul wasaare Rooble oo ahaa inuu madaxweynahu isku dayay af-gambi ka dhan ah xukuumadda.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta,ee madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi,ayaa ku eedeyay Ra''iisul wasaaraha inuu ku fashilmay doorashadii loo igmaday uuna qaatay go'aanno u gaar ah .

"Warkaas ma aha, war sal iyo raad leh, waa la yaqaanaa macnaha uu leeyahay ereyga afgembi.. Ra'iisul Wasaaraha waxaa loo diray doorasho muddo 14 bilood ah ayuu arrintaa waday, waana ku guuldareystay" ayuu yiri Cabdirashiid.

Waraqad xalay ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay inuu Ra'isal wasaaraha uu soo galay tuhun musuqmaasuq iyo ku takrifal dhul dan guud ah.

"Awooddiisii waa la hakiyay, shaqo ka joojin baa lagu sameeyay, markaa afgembi taasi ma aha" ayuu yiri agaasimaha madaxtooyada.

Category