Maayarka Laascaanood Oo ka Warbixiyey Roob Waxyeelo U Gaystey Korontadii Magaalada

Laascaanood(RH)Maayorka degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale ayaa ka warbixiyey roobab waaweyn oo ka da’ay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isaga oo sidoo kalena kormeeray  qaybaha kala duwan ee magaalada Laascaanood.

Maayarka ayaa sheegay in roobabkani ay ahaayeen kuwo xoogan, kuwaas oo sababay in ay korantadu magaalada ka tagto, laakiin ay saaka dib u soo noqotay korontadii, waxaanu maayarku caddeeyey in sababo amni dartood loo damiyey korontada, iyada oo xadhkaha magaalada dhexdeeda mara qaarkood ay soo dhaceen.

Ilaa hadda ma jiro wax khasaare Nafeed ah oo uu roobkaasi geystay sida uu Maayarku sheegay.

Shacabka ku dhaqan degmooyinka magaalada Laascaanood ee uu maayarku la kulmay ayaa iyaguna warbixinno ka siiyey roobabkaasi ka da’ay magaalada iyo sida ay xaaladda degmooyinkaasi tahay, iyaga oo soo dhoweeyey kormeerkan maayarku ku maray magaalada Laascaanood.

 

Category