Guddoomiyaha Aqalka Sare oo dhaliilay Raysal wasaaraha Soomaaliya

Muqdisho (RH)-Muqdisho ayaa dhaliilay ra'iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo sheegay in Sabtida berri ah la qaban doono doorashada xildhibaannada ka soo jeeda gobollada Waqooyi.

Waxa uu sheegay in uusan ku qanacsaneen sida uu ra'iisal wasaaraha u wado wax oo ku aadan doorashada uu go'aamiyay in sabtida lagu qabto Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

"Waxaa ka xumahay erayga ah ra'iisal wasaaraha uu ku yiri afartii xubnood ee aniga doortay kuwaasoo uu ku yiri cid kale oo doorashada ka masuul ah ma jiro, guddigiinii 11-ka waa in aad tagtaan oo aad is doorataan haddii aad is dooran weydaan waa idinka saarayaa guddiga, ogaada isaga ma magacaabin aniga ayaa magacaabay guddiga"ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa sheegay in marnaba aqbali doonin go'aanka ra'iisal wasaaraha uu qaatay laakin dhinacooda ay diyaar u yihiin in la heshiisiiyo dhinaca kale ee uu hoggaamiyo ra'iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in tallaabada uu sameenayo ra'iisal wasaaraha ay tahay mid caddaalad darro ah.

Hadalka guddoomiyaha aqalka sare ayaa jawaab u ah qoraal uu xaley fiidkii ra'iisal wasaaraha soo dhigay bartiisa, waxa uu ku sheegay walow uu jiro dib u dhac xagga doorashada haddana dhawaan kulan uu la yeeshay madaxda dowlad goballeedyada ay isku afgarteen in doorashada aqalka sare lagu soo gabagabeeyo toddobaadka soo socda, kadibna lagugadalo doorashada xildhibaannada golaha shacabaka.

Ra'iisal wasaaraha ayaa sheegay in dhawaalaba uu waday dedaalo ku aadan siddii siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi uu ka dhex abuuro jawi isfahan si loo xalliyo khilaafka ka taagan guddoonka doorashada.

Ra'iisal wasaaraha ayaa sheegay in uu hadda go'aansaday in la gudagalo doorashada gobollada waqooyi.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category