Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyey Xeerka kufsiga Iyo Xakameynta Jinsiga

Hargeysa(RH)Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Ayaa  Maanta Cod Aqlabiyad Ah Ku Meelmariyey Xeerka kufsiga Iyo Xakameynta Jinsiga Dalka..

 

Fadhigan maanta Ee Golaha wakiilada Somaliland oo uu shir-gudoominaayey Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golahaasi Md- Cali Yuusuf axmed Ayaa mudanayaasha Golahaasi waxay cod gacan taag ah ku ansixiyeen xeerka

kufsiga dalka ,xeerkaasi oo ay Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland wax ka badal iyo kaabisba hore ugu soo sameeyeen .

waxaana Ansixintan Xeerkan  Ogolaaday  42 Xildhibaan Waxaa ka aamusay 1 Xildhibaan sidaasina waxaa ku Ansaxay Xeerka kufsiga Iyo Xakameynta Jinsiga.

 

Dhinaca kalena Musuuliyiinta ururka haweenka Nagaad Ayaa Si balaadhan u soo dhaweeyey xeerkaasi kufsiga iyo xakameynta jinsiga oo ay ku sifeeyeen xeer qaranka somaliland waxtar weyn u leh,halka ay sidoo kalena ay Mudanayaasha golahaasi wakiilada uga mahadnaqeen qaabka ay u meelmariyeen xeerkaasi…

 

Category