Brian waxa uu baarkin ku bixiyaa kumaankun karoon ''waxa ay iibinayaan wax aaney hayn.''

RH: Brian Andersen hadda wuxuu bixiyaa 5,000 kroner sanad walba si uu ugu baarking gareyn karo meel u dhow gurigiisa. Inkastoo horey u ahayd mid suurtagal ah inuu helo baarkin, hadda qiimuhu wuu kacayaa, meelaha la dhigtana way sii yaraanayaan.

Wuxuu dhaliilayaa iibinta waxyaabo aan jirin, isagoo ka fikiraya muddada uu ku noolaa Valby oo ka badan 40 sano, halkaasoo xaaladaha baarkin iyo qiimuhu sii xumaadeen. Dowladda Hoose ee København waxay bixisaa ruqsadaha baarkin, laakiin kuma filna meelaha la dhigto, taasoo keentay in Andersen mararka qaar raadiyo 20 daqiiqo iyadoo aan la hubin inuu heli doono baarkin, xaaladduna sii xumaatay maadaama qiimuhu kor u kacay. Soo bandhigidda waddooyinka baaskiillada ee Valby Langgade, halkaasoo ruqsadda baarkinka Andersen sidoo kale ka shaqeyso, ayaa sii yareyn doonta helitaanka baarkin, iyadoo meelaha badankood loo qoondeeyay baabuurta korontada ama la wadaago.

Andersen, oo wata Chevrolet Cruze oo isticmaala 16 km halkii litir, wuxuu ka tirsan yahay qaybta ugu qaalisan ee baabuurta marka laga hadlayo ruqsadaha baarkinka ee København. Wuxuu aqoonsan yahay inaan la sixi karin meelaha la dhigto, laakiin wuxuu soo jeedinayaa in la dhimo lacagaha, isagoo dhaleeceynaya kororka qiimaha sanadlaha ah inkastoo meelaha la dhigtay ay sii yaraanayaan. Sanadka soo socda, waa inuu bixiyaa 5,755 kroner, taasoo uu u arko inay tahay mid aad u qaali ah, gaar ahaan marka ay inta badan adag tahay inuu helo meel uu baabuurka dhigto.

gudoomiyaha degmada  Kobenhagen ee dhanka degaanta , Line Barfod, ayaa u sheegtay KøbenhavnLIV inay jirto isku raac siyaasadeed ballaaran oo ku saabsan kor u qaadida lacagaha dheeraadka ah ee baabuurta wasakhda badan si loo yareeyo tiradooda magaalada iyo in la dhiirrigeliyo iibsashada baabuurta deegaanka u fiican. Ruqsadda baarkinka ee Dowladda Hoose ee København ma ahan dammaanad qaadka helitaanka baarkin, laakiin waxay siisaa fursad lagu baarkin karo meel u dhow hoygaaga qiime sanadle ah oo jaban.

 

isku dubaridka iyo tarjumaada:

Mohamed-Amiin

Category