Boris Johnson iyo Anniga

London (RH)-Boris Johnson, oo maanta iska casilay hoggaaminta xisbiga Conservative-ka, iyo Ra'iisul wasaaraha UK, waxaan ku kulannay Muqdisho oo aan wareysi kula yeeshay, March 15, 2017.

Mr. Johson, waa nin xog-ogaal u ah amuuraha siyaasadeed ee Ingiriiska iyo Mareykanka, si weynna udifaaca danaha dalkiisa.

Marka laga hadlayo xogta uu ka hayo Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto aad ayey u koobneyd, waxa uu ku qasbanaa in dhagaha u u raariciyo khubarada aqoonta u leh Soomaaliya ee dhinacyadiisa buuxinayey.

Intii uu socday wareysiga waxaan dareemayey in mudanaha ay ku adagtahay ka jawaabista su'aalaha aan ka weydiinayay arrimaha Soomaaliya, isaga oo weliba inta badan su’aalaha horay u sii heystay.

Wareysiga oo aan u qaadayay warbaahinta Goobjoog ayuu Boris i weydiistay in aan wareysiga Istaag kaga qaadi karo iyo in kale, lkn waxaan markii dambe isku raacnay in aan fadhi ka dhiganno, duruufo jiray dartood. Waxa uu ii sheegay ka hor wareysiga in uu leeyahay aqoon saxaafadeed.

Xilliga aan wareysanayey waxa uu ahaa Xoghayaha arrimaha debadda UK.

Waxaan u rejeynayaa in uu ku biiro kuwii isaga xilkan kaga horreeyey iyo shaqooyinka ay qabtaan.

W/Q:Axmed Weli Xuseen

Saxafi ku sugan Muqdisho

Category