Akhriso 7 heshiis oo muhiim ah oo ay kala saxiixdeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea.

Asmara (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki, ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo quseeysa iskaashiga laba geesoodka ah ee siyaasadda, diblomaasiyadda, dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka, deegaanka, difaaca & amniga. Labada madaxweyne oo kulan gaar ah yeeshay ayaa si qoto dheer uga wada hadlay muhimadda ay nabadda iyo horumarka Soomaaliya u leedahay is-dhexgalka dhaqaalaha gobolka geeska Afrika. Iyagoo ka duulaya xidhiidhka ka dhexeeya Ereteriya iyo Soomaaliya, ayay madaxweynayaasha labada waddan isku raaceen qodobadan hoose :- 1. In la horumariyo xidhiidhka ka dhexeeya labada shacab oo ay ku jiraan Qurbajoogta. 2. Xoojinta iskaashiga siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed si ay u ilaashadaan una horumariyaan danahooda qaran. 3. In la ballaariyo iskaashiga dhaqaale iyo bulsho iyadoo xoogga la saarayo ganacsiga, maalgashiga, amniga biyaha, beeraha, kalluumeysiga, caafimaadka, iyo waxbarashada. 4. Kobcinta hawlaha dhaqanka, farshaxanka iyo ciyaaraha iyo sidoo kale iskaashiga sayniska iyo farsamada. 5. Horumarinta iskaashiga si loo ilaaliyo loona wanaajiyo deegaanka iyo wax ka qabashada saamaynta masiibooyinka dabiiciga ah iyo cudurrada faafa. 6. In sare loo qaado iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida, iyo amniga. 7. In si wadajir ah loogu dadaalo sidii loo hormarin lahaa xiriirka wanaagsan, iskaashiga, iyo isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.
Category