Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa habeennimadii xalay oo ay taariikhdu ahayd 15-03-2019 waxa uu kormeer ku soo maray dhismaha waddooyinka degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge oo uu madaxweynuhu hore amar ugu bixiyey in dib-u-dhis iyo casriyeyn lagu sameeyo, wakhtiganna gacanta lagu hayo iyadoo qaybo badan oo kamid ahna la dhisay.

 

Gaashaamo(RH)Ciidanka Liyuu Booliska maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa magaalada Xaaji Saalax ku jidh dilay laba masuul oo ka tirsan maamulka Degmada Gaashaamo, kuwaas oo ay dhaawac-yo kala duwan u geysteen, isla markaana loo qaaday dhaawacooda dhanka magaalada Jig-jiga ee caasimada Soomaalida Itoobiya .