Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti  uu hoggaaminayo, ayaa maanta  dalka ka dhoofay, waxana ay u ambo baxeen waddanka boqortooyada Sucuudi Carabiya, halkaas oo ay kusoo gudan doonaan waajibaadka Xajka.

 

Hargeysa(RH)Machadka IBBLS ayaa xarunta wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland ee Magaalada Hargeysa ku soo bandhigay Cilmi baadhis ay ka sameeyeen shilalka gaadiidka ee ka dhacay Somaliland.

 

Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada, Shaqaalaha wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland iyo marti sharaf kale.

Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaarada Caddaaladda Somaliland  C/risaaq Cali Cabdi ayaa ka warbixiyey Mashaariic horumarineed ee Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu amray in laga hirgliyo Gobollada Bari ee Waddanka ,gaar ahaan Sanaag iyo Badhan.

Wasiirka Caddaaladdu oo ka hadlay  socdaal uu dhawaan uu ku tagay Gobolka  Badhan iyadoo uu xusay  in aanay jirin wax mashruuca oo ka fulay gobolkaasi ,gaar ahaan magaalada Badhan amarka madaxweynaha ka hor.

Hargeysa(RH)Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa shaaciyey inay Golaha Wakiilada dacwaynayaan wasiir ka tirsan xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.

 

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi Oo maanta Shir Jaraa”id kuqabtey Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay golaha wakiilada ka dacweyn doonaan wasiirka Wasaarada warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye.

 

Hargeysa(RH)Kal-fadhigii 39-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa goluhu ku bogaadiyey heshiiskii saddexda xisbi qaran ku soo afjareen khilaafkii doorashada Golaha Wakiillada iyo deegaanka.

Hargeysa(RH)Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Ra’iisul-wasaare Ku-xigeenka Dawladda Soomaaliya. Kaasi oo sheegay in shacabka reer Somaliland aanay u middeysnayn madax-bannaanida Somaliland.