Madaxweyne Farmaajo oo Itoobiya u safray

Muqdish (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u safray dalka Itoobiya halkaas oo uu kaga qeybgalayo munsaabadda dhaarinta Abiy Axmed oo shan sano oo kale Ra’iisul Wasaare ka sii ahaan doono dalkaas.

Doorashada Itoobiya ka dhacday ayaa ahayd mid uu muran badan ka dhashay waxaana qaadacay asxaabta siyaasadda, taas oo guul wayn siiyay xisbiga PP ee Abiy uu hoggaaminayo.

Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku wehelinayaan xubno ka tirsan dowladda federaalka,waxaa ay booqashadiisu la xiriirtaa ka qeybgalka xaflad lagu maamuusaayo caleemo saarka Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Itoobiya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka dowladda ee SONNA.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa la filayaa in maanta loo dhaariyo xilka hoggaamiyaha dalkaas oo uu ku guuleystay ka dib doorashadii dhowaan ka dhacday Itoobiya, wuxuuna shaacin doona golihiisa wasiirada.

Doorashada uu guusha ka gaaray waxay ahayd mid la isku khilaafay oo ay qaadeceen axsaabta siyaasadda dalkaas, taas oo sababtay in Xisbigiisa uu si aqlabiyad ah guul u gaaro.

Balse, guushiisa waxaa daboolay oo daah saaray colaadda gobolka Tigray. Abiy Axmed ayaana xilka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya sii hayndoono illaa shanta sano ee soo socota.
 

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category