Madaxweynaha JSL Oo Taliye iyo Taliye ku-xigeen U Magacaabey Ciidanka Booliska

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/XM/WM/222-375/112019 uu magacaabis iyo xilka qaadis ku sameeyey masuuliyiinta ugu saraysay ciidanka booliska Somaliland.

 

Waxaanay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

 

Markaan Arkay:                   Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Tixgeliyey:             Ahmiyadda Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland u leeyahay dhismaha iyo amniga Qaranka;

 

Markaan Arkay:                   Aqoontooda, Kartidooda, iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markaan ku Qancay:           In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

 

Markaan Sameeyey:             La-tashi;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

Tir

Magaca

Xilka

1.Sareeye Guuto, Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland

Dabagake

2.Sareeye Guuto, Cabdi Xasan Mire Faarax Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland

 

w

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

  Ku: Sarreeye Guuto, Faarax Maxamed  Mire

Taliye Ku-xigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Somaliland.

 

Mudane,

 

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii loo garto. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka ee Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Allaa Mahad Leh

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

           

 

Category