War Deg-Deg Ah:-Taliyihii Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Oo Geeriyooday

Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee Waxaa Goordhaweyd Cispitaalka Internationalka ee Magaalada Hargeysa ku geeriyooday Taliyihii Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Marxuum Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal iimaan.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland. Maxamed Kaahin Axmed Ay Weheliyaan Masuuliyiin  badan oo ka Tirsan Xukuumada Somaliland Oo Warbaahinta la Hadley ayaa Xaqiijiyay Geerida Taliyihi Ciidamada Booliska Somaliland .Marxuum Cabdilaahi Fadal Imaan .Wuxu Sheegay in Maalinta Bari ah Aas qaran loogu Samayndoono   Xabaalaha Masalaha  Ee Magaalada Hargeysa .

Allah Ha U Naxariistee Marxuum Cabdilaahi Fadal iimaan ayaa mudooyinkii u dambeeyey Xaalad Caafimaad u jiifay isla markaana dhowr jeer xaalad caafimaad loogu qaaday dalka dibeddiisa.

Marxuum Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa waxaa taliyaha ciidamada Booliiska Somaliland loo magacaabay 31 March 2012.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa xilkaas u magacaabay marxuum Fadal kaddib markii uu Geeriyooday taliyihii hore ee ciidamada Booliiska Somaliland Marxuum Maxamed Saqadhi Dubad.

Cabdilaahi Fadal waxaa uu ahaa intaan loo magacaabin taliyaha guud ee ciidamada Booliiska hogaanka howlgelinta ciidamada booliiska.

Waxaa uu kasoo qeyb qaatay dhisida ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee RRU iyo SPU-da sidoo kale kaalin ayuu ku lahaa bixinta darajooyinka saraakiisha kala duwan ee ciidamada booliiska.

Ka hor xilalka sare ee booliiska uu ka yahay intaan loo magacaabin waxaa uu dambi baadhe ka soo noqday saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Marxuum Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan  ayaa waxaa uu Ciidamada booliiska kusoo biiray dowladii milatariga ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Bare.

Muddada uu xilka hayay waxaa ay ii sheegeen saraakiil la shaqeeyay inuu ahaa nin ku ad adag dhinaca sharciga booliiska. Xarunta taliska guud ee magaalada Hargeysa ayuu ahaa sidoo kale masuulkii dhismaheeda sameeyay. Waxaa uu ahaa aabe iyo awoow caruur ka tagay.

Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shan iyo toban maalmood ee u dambeeyay todoba sano oo Somaliland hogaaminayay 2 December 2017 waxaa uu Cabdilaahi Fadal Iimaan u dalacsiiyay derajada Sareeye Gaas.

Allah Ha U Naxariistee Marxuum Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan   ayaa laba Tobaad ka Hor Xaalad Caafimaad kaga soo laabtey Dalka Turkiga

 

 

Category