Madaxweynaha Somaliland Oo  Ka Hadley Khasaaraha ka Dhashay Roob Ka Da’ay Hargeysa

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa caawa ka hadlay roob dabeyl watay oo galabta ka da’ay caasimadda Hargeysa iyo nawaaxigeeda, kaasi oo ay ku dhinteen 3 qof, halka 18 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen roobkaasi.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo caawa Xarunta wasaaradda Warfaafinta kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in 18ka qof ee dhaawacmay ay badidoodu ladan yihiin, islamarkaana labadii qof ee u cuslaa ay  hadli karaan.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu u mahadceliyey Wasaaradaha  Arrimaha Gudaha iyo Caafimaadka oo gurmad badan ka galay, sidoo kalena wuxuu tilmaamay in Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex iyo Dawladda Hoose oo ay weheliyeen ciidammada Booliska iyo Dabdamisku ay iyaguna dedaal weyn sameeyeen.

Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi wuxuu dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen saddexda qof ee roobkaas ku dhintay,waxaanu ILAAHAY uga baryey inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoysaskoodiina Samir iyo iimaan ka siiyo.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in qiimayn lagu sameyn doono khasaaraha guryaha iyo burburka uu geystay roobkaasi isla markaana laga tashan doono sidii laga yeeli lahaa biyo mareennada  la xidhay iyo biraha xaysiisyada ah ee ku teedsan caasimadda Hargeysa.

 

Category