Wefti Ka Socda Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo maanta Soo Gaadhay Somaliland

Hargeysa(RH)Wafti Uu hoggaaminayo wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Dowlad Deegaanka Soomaalida itoobiya Cumar Faaruuq Warfaa, kuna wehelinayeen Wasiir ku xigeenka Maaliyadda, masuuliyiin ka socda laamaha amaanka iyo saraakiil kale ayaa maanta soo gaadhay Caasimada Somaliland ee Hargeysa

Waftigan ayaa waxaa Xarunta Qasriga Madaxtooyada Somaliland ku qaabiley

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)

Weftigan ayaa u jeedada safarkoodu ahaa inay qaranka Somaliland soo gaadhsiiyaan tacsida taliyihii ciidamada Booliska Somaliland, sarreeye Gaas Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ka timid madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar).

 

Kulankan ayaa waxaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ku wehelinayey wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, Af-hayeenka madaxweynaha Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac, Guddoomiyaha gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka maroodi-jeex Khadar Baabuur Cumar.

 

Category