War Deg-deg ah: Taageero Cusub oo loo fidinayo dadka dhaqaale ahaan liita!

RH: Sida ay sheegtay gudoomiyaha xisbiga SF ee wadanka Denmark Pia Olsen Dyhr, Dawladdu waxay go'aamisay inay kor u qaaddo nolosha dadka dhaqaale ahaan liita iyadoo qaadaysa tallaabooyinkan:

1-  Qoysaska: Caawimaad dheeraad ah oo dhanka kirada ah iyo maalgelin carruurta si aysan uga maqnaan ciyaaraha iyo waxbarashada.

2-  Hawlgabka: +1,000 kroner bishii oo loogu talagalay kuwa dhaqaale ahaan liita.

3-  Dhalinyarada: +1,000 kroner bishii dhalinyarada gargaarka bulshada qaata ee qaba xanuunada maskaxda.

4-  Caafimaadka: Daawaynta ilkaha ee caadiga ah inay mustaqbalka noqoto lacag la'aan.

suaal.  Lacagta xaggee ka imaanaysaa?

Kama imaanayso shaqaalaha caadiga ah, balse waxaa bixinaya dadka ugu qanisan bulshada  wadanka Denmark.

Category