Wakiilka Somaliland U fadhiya Kenya Oo la Kulmay Safiirka Sweden

Nairobi(RH):-Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in dalka Sweden ee qaaradda Yurub oo ka mid yahay xubnaha Qaadhaan-bixiyeyaasha ah ee taageerada ugu weyn ka gaysta horumarka dalka Somaliland.

Sidaasna waxa sheegay Wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya Ambassador Baashe Cawil Cumar, kadib markii uu la kulmay Safiirka waddanka Sweden u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya  Andreas von Uexkull.

“Waxa ay ii ahayd farxad weyn in aan booqasho ugu tago Ambassador Andreas von Uexkull oo ah safiirka dalka Sweden, waxaanan ku kulannay xafiiskiisa magaalada Nairobi ee Kenya. Waddanka Sweden waxa uu si joogto ah door muhiim ah uga qaataa horumarka dalka Somaliland, waxaannu ka mid yahay Qaadhaan-bixiyeyaasha ugu waaweyn ee caawiya Somaliland.” Sidaa waxaa yidhi Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Ambassador Baashe Cawil Cumar

Dalka Sweden oo ku yaal dhinaca woqooyi ee qaaradda Yurub, waxa uu xidhiidh dhinacyo kala duwan ah la leeyahay Somaliland, kaasoo sidoo kale ka mid ah dalalka caalamka ee sida xooggan u daneeya hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland.

 

Category