Sawirro: Garaad Jaamac Garaad Cali oo 15 sanno kadib tegay Laasacaanood

Laasacaanood (RH)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Laasacaanood ee gobolka Sool, waxaa maanta tegay wafdi uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah isinka guud ee beelaha SSC.

Waa markii ugu horreysay oo muddo 15 sanno kadib uu tego Garaadka magaalada Laascaanood.

Wafdiga Garaadka waxaa soo dhaweeyay wax garad iyo dadweyne fara badan kuwaasoo sitay calanka maamulka Khaatuma iyo kan Soomaaliya.

Waxaana si weyn looga dareemay magaalada soo dhaweynta Garaadka oo ka qeyb galidoona shirweynaha aayo ka tashiga gobolka Sool iyo deegaanada la isku yiraado SSC ee ah Sool, Cayn iyo qeybo katirsan gobolka Sanaag.

Garaad Jaamac Garaad Cali waxaa magaalada Laascaanood ugu dambeysay sannadkii 2007, xilligaas oo Somaliland ay la wareegtay magaalada, kadib dagaallo dhexmaray iyaga iyo maamulka gobolleedka Puntland.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa waxa uu ka mid yahay Isimada ku adag qaddiyadda midnimada Soomaaliya, wuxuuna katirsan yahay salaadiintii wax ka dhisay maamulkii Khaatuma ee faddhigiisu ahaa Buuhoodle.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo 15 sanno kadib tegay LaasacaanoodGaraad Jaamac Garaad Cali oo 15 sanno kadib tegay Laasacaanood

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category