ra’iisal wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo oo labaduba dalka ka dhoofey

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa u amba baxey dalka Qatar.

Ra’iisal wasaare Rooble, ayaa ka helay casuumad rasmi ah amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

Safarka ra’iisal wasaare Rooble, ayaa lagu micneeyey adkeynta xiriirka labadda dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qadar.

Safarka ra’iisal wasaaraha ayaa kusoo beegmay maanta oo Isniin ah, iyadoo sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u amba baxey dalka Itoobiya.

bbhgtyyu

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa gaarey magaalada Addis Ababa, oo uu kaga qeyb galayo caleema saarka xukuumadda cusub ee ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ee dowlada Itoobiya.

Farmaajo ayaa kamid ah madaxda lagu marti qaadey ka qeyb galka munaasabadda caleema saarka xukuumada cusub ee Itoobiya, iyadoo ay ku ququlayaan marti sharafka magaalada xarunta ah ee Addis Ababa.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa la filayaa in kulamo la qaato wufuudda ka socota dalalka ka qeyb galaya munaasabaddan, si arrimo badan oo Soomaaliya iyo dalalkaasi quseeya ugga wada xaajoodaan.

Safarka ayaa madaxweynaha waxaa ku weheliya Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada JFS Mudane Cabdi Nuur Maxamed Axmed.

 

xigasho BBC

Category