Maraykanka oo sheegay ku dhawaad 30 Shabaab ah inuu ku dilay Soomaaliya

WASHINGTON (RH)— Ciidamada Mareykanka ayaa 18-kii September ku dilay 27 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab weerar cirka ah xilli ay dagaal kula jireen ciidamada dowladda Soomaaliya, sida uu sheegay militariga Mareykanka Arbacadii.

Duqeyntan ayaa laga fuliyay deegaan ku dhow degmada Buulo-burde, iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay wadeen howlgal lagu beegsanayo ciidamada maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika.

"Qiimaynta hordhaca ah ee taliska ayaa ah in weerarka lagu dilay 27 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, mana jirto dad rayid ah oo waxyeello kasoo gaartay," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan, kaas oo ku tilmaantay weerarkan mid is-difaac ah.

"Ururada xagjirka ah ee rabshadaha wada sida Al-Shabaab waxay u taagan yihiin khataro mustaqbalka fog ku ah danaha Soomaaliya, gobolka iyo Mareykanka," ayaa lagu yiri bayaanka.

Taliska Afrika ee Mareykanka ayaa ku tilmaamay weerarka socda kii ugu ballaarnaa muddo shan sano ah oo ay fuliyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta Mareykanka lagu fuliyay “codsi ka yimid” dowladda Soomaaliya.

Xiggasho: VOA

Category