Madaxweynaha Somaliland Oo Booqday mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyey gudaha magaalada Berbera.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera, ayaa maanta Booqday mashaariic kala duwan iyo wershedo laga hirgeliyey gudaha magaalada Berbera, kuwaas oo ay maalgashadeen muwaadiniin reer Somaliland ahi.

Madaxweynaha, ayaa kormeeray wershedda Kalluunka ee Zakia iyo wershedda qasacadaynta kalluunka ee SOMTUNA, kuwaas oo shaqadoodu si habsami leh uga socoto xarumahooda.

Madaxweynaha, ayaa warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta gacanta ku haya wershedahaas, kuwaas oo ka warramay hannaanka wershedahaasi u shaqeeyaan, hiigsigooda fog iyo sida ay uga go’an tahay inay  mustaqbalka ku filnaadaan baahida kalluun ee dalkeena gudihiisa.

Sidoo kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu soo kormeeray xarunta guud ee xisbiga KULMIYE ku leeyahay magaalada Berbera, waxana halkaas kusoo dhaweeyey masuuliyiinta xisbiga ee gobolka Saaxil.

 

Category