RH Kolding: Maqaayad yar oo Fiyatnaamiis ah ayaa la kulantay ganaax iyo calaamadda 'wajiga xun' (sur smiley — oo muujinaysa qiimayn hoose ee nadaafadda) kadib markii ay booqdeen kormeerayaasha Hay’adda Cuntada (Fødevarestyrelsen).
Maqaayadda yar ee Pho Ly Vietnam oo ku taal Palmealle 2 ayaa lagu ganaaxay 5,000 oo Karoon (kr) kadib kormeer lama filaan ah oo ay ku tageen shaqaalaha Hay’adda Cuntada.
Warbixinta kormeerayaasha ayaa lagu xusay dhaliilo dhowr ah oo la xiriira nadaafad-darrada qalabka jikada. Waxay qoreen:
-
"Gacanta foornada jikada ayaa aad u dufan badnayd, quraaradda foornadana waa mid wasakh ah oo leh dufan iyo haraadi cunto."
-
"Qaboojiyaha yaalla marinka dambe ayaa dibadda ka leh dufan badan, gaar ahaan meesha gacanta la qabto ee albaabka laga furo."
-
"Qaboojiyaha miiska cuntada lagu diyaariyo (koldjomfru) ayaa caagaggiisa daboolku ay wasakh ahaayeen, waxaana ka muuqda calaamado bilow ah oo u eg caaryo (skimmel)."
Sidoo kale, kormeerayaasha ayaa warbixintooda ku daray in salka qaboojiyaha ay fadhiyeen biyo ka soo dhibcayay gidaarka dambe ee qaboojiyaha. Maqaayadda ayaa u isticmaaleysay maro buluug ah oo aan nadiif ahayn inay biyahaas ku qalajiso, balse biyaha ayaa aad u badnaa oo maradu ma awoodin inay wada nuugto.
"Aad baan uga daalay"
Mulkiilaha maqaayadda, Ly Thi Nguyen, ayaa muujisay in ay aad uga xun tahay uguna daashay dhacdadan.
"Lix sano ayaan maamulayay goobtan, aadna waan uga xumahay qiimayntan xun ee aan helay. Keligay ayaa shaqada oo dhan qabta, mar walbana waxaan sameeyaa wixii awoodayda ah si aan u nadiifiyo jikada, laakiin waqtigii ay kormeerayaashu yimaadeen waxaan aad ugu mashquulsanaa diyaarinta cuntada macaamiisha," ayay tiri Ly Thi Nguyen.
Waxay intaas raacisay in caqabadda luuqadda ay qayb ka tahay dhibaatada:
"Waan yara naxaa marka ay yimaadaan, waayo deenishkaygu aad uma fiicna, waxaana igu adkaata inaan si fiican wax ugu sharxo."
Suxufiyiinta wargeyska JV ayaa ugu tagay goobta iyadoo aad u mashquulsan, huufarineysa dhulkana dhaqaysa waxyar uun kahor waqtiga furitaanka ee subaxnimadii Arbacada.
"Maalin kasta ayaan nadiifiyaa jikada, waxaana had iyo jeer isku dayaa inaan meesha ka dhigo mid nadiif ah, marka aad baan uga daalay arrintan," ayay tiri Ly. Waxay taleefankeeda ku tustay fariin u soo dhacday oo u sheegaysa in waraaqdii cusbayd ee lahayd calaamadda wajiga xun ay soo gaartay xarunta baakadaha, taas oo ay qasab tahay inay soo qaadato oo ay soo sudho daaqadda hore ee maqaayadda.
"Hadda way soo noqon karaan oo way i kormeeri karaan markale, maxaa yeelay mar walba waan nadiifiyaa meesha inta aan cuntada karinayo," ayay hadalkeeda kusoo xirtay.