Faah-faahin: khasaare ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (RH)-Ugu yaraan shaqo ayaa ku dhintey tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho halkaasoo uu marayay bas ay la socdeen ergada soo dooranaysa xildhibaannada gobollada waqooyi oo doorashadooda ay ka dhaceysay magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa dhacay abaare shan saac.

Afhayeenka booliska ayaa sheegay in qof xiran wax yaabaha qarxa uu rabay inuu weeraro baska ay la socdeen gaadidka siday ergada oo markaas goobta wax yer ka hor ka gudbay.

Ma jirto Ilaa hadda wax soo gaaray ergada la socday baska, laakin dadka dhintey ayaa ahaa dad ka agdhawaa goobta ama marayay.

Isgoyska Ceelgaabta ayaa ka mid ah baraha ugu xooggan ee laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya, waana wado aad u isticmaalaan noocyada kala duwan ee gaadidka, waxaana jooga ciidamo ka tirsan dowladda gaar ahaan kuwa koofiyaguudka.

Goobtan waa goob saxmad badan oo ay adeegsadaan gaadidka dadweynaha.

Hey’adda Amin Ambalas oo ka shaqeysa magaalada ayaa sheegtay in ay qaadeen lix 13 qof oo dhaawac ah iyo lix qof oo dhimasho ah.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu 

Category