RH: Isbeddelka Cagaaran (Green Transition)Benny Dall wuxuu rabaa in isbeddelka cagaaran uu looga faa’iideeyo shacabka, ee aanay go’aamin maalqabeennada iyo shirkadaha waaweyn.
Wuxuu doonayaa in:
-
Shacabka, degmada iyo ganacsiyada yaryar si wadajir ah u yeeshaan oo u maamulaan tamarta la cusboonaysiin karo.
-
Degmadu bixiso maalgelinta bilowga ah.
-
La sameeyo ururo iskaashi oo tamar wada leeyahay si ay deegaanka u wanaajiyaan isla markaana dhaqaalaha tuulooyinka ay u kobciyaan.
Hadda, Golaha deegaanka wuxuu mashruuca u dhiibay maalgeliyeyaal gaar loo leeyahay, taas oo keentay diidmo iyo hakad ku yimid horumarka cagaaran.
Wuxuu ku taliyay in la kordhiyo qorraxda (solar) iyo tamarta cagaaran ee dhismayaasha iyo warshadaha.
2. Gaadiid Dadweyne oo fiican – Busaska oo qaada baaskiil
Enhedslisten waxay rabaan:
-
Shabakad busas oo gaadha dhammaan Kolding.
-
Busaska oo leh meel baaskiil lagu qaato, sida Aalborg.
-
Wakhti badan oo ay socdaan:
-
3 jeer saacaddii marka dadku badan yihiin
-
2 jeer marka kale
-
Iyo safarro dambe oo habeenkii ah
-
Waxaa hadda lacag badan lagu bixiyaa wadooyin iyo baarkinyo, iyaguna waxay rabaan in lacagtaas lagu hormariyo busaska iyo gaadiidka dadweynaha si dadka aan baabuur lahayn ay u helaan xal dhab ah.
3. Dekadda Doonyaha Firaaqada – Marina
Benny Dall wuxuu diidan yahay mashruuca Marina City oo uu ku tilmaamay mashruuc qaaliga noqday, buuq badan iyo dhibaato deegaan.
Waxay rabaan:
-
In la joojiyo mashruuca guryaha dhaadheer
-
In lacagaha loo isticmaalo dekad doonyo leh xeeb ciid leh, meel nasasho iyo jawi deegaanka u fiican
-
In lagu badbaadiyo ugu yaraan 100 milyan kr marka loo eego mashruuca hadda socda.
4. Guryo la awoodi karo
-
Kolding horay waxaa u jirtay hadaf ah in 25% guryaha noqdaan guryo bulshada (almene boliger), balse hadda waa 16–17%.
-
Ghettoloven waxay sababeen in la dumiyo 500 guri.
-
Guryaha gaarka loo leeyahay aad bay u kordheen, laakiin dadka u baahan guryo jaban weli way adag tahay.
Enhedslisten waxay rabaan:
-
In degmada ay maalgeliso 250–400 guri oo bulsho sanadkii
-
In la isticmaalo 50 milyan kr sanad walba si tan loo suurtogeliyo
-
In guryaha bulshadu laga dhiso magaalada iyo tuulooyinka — laakiin tuulooyinku waa inay helaan gaadiid dadweyne oo fiican, si dadku u sii degganaadaan.