AMISOM oo magaca laga baddelay iyo joogitaankooda Soomaaliya oo la soo gaabiyay

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa shaley lagu soo gabagabeeyay shir labo toddobaad u socday dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda AMISOM, kaasoo looga hadlayay siddii Soomaaliya ay dib ula wareegi lahayd ammaanka dalkeeda.

Shirka ayaa waxaa ka soo baxay in muddo labo sanno lagu soo gabagabeeyo howgalka AMISOM oo billowday sannadkii 2007-dii, waa haddii QM ay arrintaas ku taageerto labada dhinac.

Dhinaca kale, magaca AMISOM ayaa loo baddelay ADMIS oo ah magac la soo gaabiyay oo u taagan howgalka uu qabanayo ciidamadaas muddada labada sanno ee soo socda.

Dad badan ayaa aamisan in aan la gaarin waqtigii AMISOM ay ka bixi lahayd Soomaaliya, waayo weli Soomaaliya ma lahan ciidan awood leh oo difaaci kara.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category