Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ee Somaliland Md Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon ayaa ka hadlay sidii xogta dalka loo mideyn lahaa waxaanu wasiirku sheegay in guddiyadii ka shaqayn lahaa macluumaadkaasi ay isugu yeedheen.

waxa uu sidoo kale wasiirka wasaarada arrimaha dibedda somaliland sheegay in ay qabanayaa shirar  lagu sii xoojinaayo barnaamijka lagu ururinayo xogta qaranka kaasi oo dhawaan ay bilawoday wasaaradda Arrimaha Dibaddu.

Tog-Wajaale(RH)Ciidamada Booliska ee degmada Tog-Wajaale ayaa hawlgal ay sameeyeen , waxa ay  ku soo  qabteen  Beer iyo Kelyo aan ilaa hadda la garanayn waxa ay yihiin, kuwaas oo ay maanta warbaahinta usoo bandhigeen.

Beerkan iyo kelyahan oo si qarsoodi ah loo soo gelinaayey Somaliland  ayay maanta ciidamadu ku gubeen duleedka magaaladda Tog-wajaale.

Boorama(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Safar ugu baxay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal

Madaxweynaha Somaliland ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loo qabtay 974-Arday oo ka qalin-jebiyey jaamacadda Cammuud taas oo lagu qabtay xarunta ay jaamaaddu ku leedahay magaalada Boorama.

 

Hargaysa(RH)Wasaaradda Deegaanka Iyo Horumarinta Miyiga Somaliland ayaa hay’adda GIZ kala wareegtay gaadiid iyo qalab kale oo hay’adaasi ugu talo gashay inay ku shaqeeyaan Xafiisyada Goboladda ee Wasaaradda Deegaanka.

 

Munaasibad Kooban oo lagu wareejinayay Gaadiidkaas iyo agabkaas kale oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Deegaanka waxaa wareejinteedii goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta sare ee Wasaaradda Deegaanka.

 

Hargeysa(RH)Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelnta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Telefishannada laga leeyahay dalka Ku Amartey qorshe Cusub Oo ugub ku Ah Saaxada Warbaahinta  Madaxbanaan ee Somaliland, waxaana sidaas lagu soo bandhigay shir Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafintu maanta la yeesheen Mulkiilayaasha  Telefishannada ka Howlgala Somaliland.

Shirkaasi ka dib Waxay Wasaaradda Waraafintu Soo-Saartey War-Saxaafadeed lagu faahfaahiyey Amaradan Cusub.

Hargeysa(RH)Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali waraabe ayaa War-saxaafadeed Uu Maanta  soo-saarey waxaa Uu Guud ahaanba Uu Xilalkii ay Xisbigaasi ka hayeen uu ka qaaday Xoghayayaashii Xisbigaasi marka laga reebo kuwii la magacaabay Doorashadii ka dib.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali waraabe  sidoo kale waxaa uu xilalkii ka qaaday Masuuliyiintii laamaha dibada ee Xisbiga Ucid.