Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Guddoomiyaha Degmada Xaaji Saalax ee gobolka Daad Madheedh Cali Muuse Faarax ayaa sheegay in gorgor dad cun ahi  uu ku cunay wiil yar oo 9 jir ah meel 4km u jirta  degmada Xaaji Saalax oo ku taalla dhinaca xadka Itoobiya.

Cali Muuse Faarax Guddoomiyaha Degmada Xaaji Saalax ayaa sheegay in gorgorkaasi uu cabsi ku abuuray bulshada deegaanka  isla markaana ay waalidiintu heegan ugu jiraan sidii ay carruurta xoolaha la joogta uga ilaalin laheyd gorgorkaas dad cunka ah.

Hargeysa (RH)Xukuumadda Somaliland  ayaa ka joojisay Sheekh qurbe joog ah oo caasimadda Hargeysa ku qaban lahaa kulan lacag lagu gelayay.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed ayaa xaqiijiyey in dawlad ahaan ay joojiyeen tababbar ciwaankiisu ahaa  ‘Farxadda  Lamaanaha’  is-qaba, kaas oo Sheekh Maxamed Idiris doonayey inuu ku qabto Magaalada Hargeysa.

Hargaysa(RH)Dawladaha Somaliland iyo Jabuuti, ayaa sheegay in ay iska kaashan doonaan dhinaca Isgaadhsiinta iyo Boosaha.

Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Sheekh Suufi Jibriil oo socdaal shaqo ku jooga dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa kulan la yeeshay wasiirka warfaafinta iyo Boosaha dalka Jabuuti oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka isgaadhsiineed ee labada dal oo ay masuul uga yihiin labada wasaaradood.

Hargeysa(RH)Guddiga Qandaraasyada Qaranka Somaliland ayaa shaaciyey lix mashruuc oo ay hore ugu soo bandhigeen shirkaddaha Somaliland ka hawlgala.

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Somalilnad Nuux Maxamed Xuseen ayaa ku dhawaaqay shirkaddaha ku guulaystay mashruucyadaasi iyo noocyadda ay kala yihiin  mashaariicdaasi la fulin doono .