Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Kal-fadhigii 42-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda iyo shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska.

Boorama(RH)Ayax Khasaare Ba”an gaystay ayaa ku habsaday dhul Beereedyo ku yaala gobolka Awdal.Qaar ka mid ah Dadka Beeraleyda ah ee ku dhaqan Gobolka Awdal Oo Warbaahinta la Hadley ayaa sheegay inuu  Ayaxani waxyeelo weyn u geystay qaar ka mid ah  Dalagii wax-soo-saarka Beeraha gobolka Awdal gaar ahaana tuulooyinka kala ah Xariirad, Xaliimaale, Maraaley, Ceel Baxey, Qoqol, Aroorseel iyo Weeraar.

 

Hargaysa(RH)Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Xasan Gaadhaafi Cali, ayaa jawab adag ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay Murrashaxa Madaxwweyne ku Xigeenka Xisbiga Waddani oo taageero u muujiyay in jabhado dalka laga sameeyo.

Hargaysa(RH):-Wasiiradda Wasaaraddaha Horumarinta Maaliyadda,Beeraha, Biyaha, Gaadiidka,Deegaanka oo ay Weheliyaan Wasiir ku xigeenada Wasaaradaha Qorshaynta,Caafimaadka iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda ayaa kulan xogwaraysi ah la yeeshay Wefti ka socday dalka Jarmalka oo booqasho ku jooga JSL.

Waxaa kulankaasi oo saacado qaatay la iska xog waraystay mashaariicda horumarineed ee dawlada jarmalku ka fuliso Somaliland.