Mareykanka oo kordhiyey tirada madaxda Soomaalida ee uu xayiraadda kusoo rogey

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka, ayaa sheegtay in iyadoo la amba qaadayo siyaasad ay ku dhawaaqdey 8-dii bishii Febraayo ee bishii hore, ay balaarisay liiska xayiraadda madaxda Soomaalida ee lagu eedeeyey caqabadeynta doorashada haatan socota.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa tilmaamey in tallaabadii la qaadey ay ku saabsaneyd in sida qeybta 212 ee qodobka (a) faqradda (3) iyo (C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadaha Mareykanka uu qorayo, in la xadidayo bixinta fiisaha kuwa la rumeysan yahay iney mas'uul ka yihiin, ama carqaladeynayaan hannaanka doorashada dimuqraadiyadda ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxey intaa ku dartay iyadoo horumaro dhiiri gelin leh la sameeyey toddobaadkii lasoo dhaafey, haddana wali waxaa jira kuraas badan oo kamid ah baarlamaanka oo aanay wali dhicin doorahadooda.

Mareykanka oo kordhiyey tirada madaxda Soomaalida ee uu xayiraadda kusoo rogey

Boga safaaradda Mareykanka Soomaaliya oo taageertay go'aanka guddiga doorashada ee heer federaal Soomaaliya

Waxaa jira kaloo jira warbixino lagu kalsoonaan karo, oo tilmaamey iney wali jiraan qaladaad iyo isdaba marin la xiriira habraaca doorashada.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guul dareysatey iney kasoo baxdo waqti kale, oo dheeraad ah oo loo qabtey iney kusoo dhameystiro doorashada baarlamaanka Soomaaliya.

15-ka bishan Maarso, ayaa lagu wadey in lasoo gaba gabeeyo hannaanka doorashada baarlamaanka Soomaaliya.

Saxafiyiinta iyo mucaaradka ka shaqeynaya taageerista hey'adaha dimuqraadiga ah iyo hufnaanta, ayaa lala beegsadey caga jugleyn, xarig iyo handadaad.

Mareykanka ayaa sheegay inuu sii wadayo qiimeynta siyaasadda haatan socota, iyadoo qoraalka soo baxey lagu caddeeyey taageerada is xisaabinta iyo gaba gabeynta hannaanka doorashada Soomaaliya oo deg deg ah, si lagu kalsoonaan karo oo hufan.

Dowlada Mareykanka, ayaa sheegtay iney taageero buuxda u fidineyso shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ay ka go'an tahay ka shaqeynta iyo horumarinta dimuqraadiyadda, si loo gaaro baraaro.

Xiggasho: BBC

Category