Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo loo doortay xildhibaan Golaha Shacabka

Muqdisho (RH)-Hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku soo baxay kursiga tirsigiisu yahay 138 ee ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan oo la sii saadaaliyay inuu ku soo bixi doono kursigan ayaa waxaa kula qornayd gabar lagu magacaabo Naciimo Xuseen Cali oo aan saaxadda siyaasadda laga aqoon, markii dambe na u tanaasushay.

Waxaa tartanka ka haray oo Cabdiraxmaan u tanaasulay siyaasiyiin la filayay inay loolan adag kula geli doonaan kursigan, uuna kamid yahay ninka kursiga ku fadhiyay baarlamaanka muddo xileedkiisu dhammaaday ee Siciid Nuur Giriish.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa sanadihii la soo dhaafay si weyn u dhaliili jiray dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa noqonaya musharraxii saddexaad ee u taagan madaxtinnimada Soomaaliya ee kamid noqonaya baarlamaanka 11-aad. Waxaa ka horreeyay Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Mustafe Sheekh Dhuxulow oo loo doortay xildhibaanno.

Cabdiraxmaan waxa uu horay xildhibaan uga soo noqday baarlamaankii Jabuuti lagu soo dhisay 2009 ee ay ku midoobeen dowladdii uu hogaaminayay Cabdullahi Yuusuf iyo isbahaysigii fadhigiisu ahaa Asmara ee uu hogaaminayay Sharif Sheekh Axmed.

KULANE
XIGASHADA SAWIRKA,SEIT GALMUDUG
Qoraalka sawirka,
Musharrax Cabdullahi Aadan Kulane

Kuraasta kale ee maanta la dooranayo waxaa kamid ah mid lagu wado inuu ku soo baxo Cabdullahi Aadan Kulane oo ka tirsan saraakiisha NISA.

Cabdullahi Aadan Kulane ayaa ka tirsan saraakiisha ugu awoodda badan hay'adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA, waxaana uu kaalin muuqata ku leeyahay hawlgalka ay ciidamada dowladda Federaalka ka wadaan gobolka Gedo ee khilaafka uu kala dhexeeyo maamulka Jubaland.

Baarlamaanka cusub ayaa waxaa ku soo badanaya wejiyada is diidan, iyadoo ay kuraas ku guulaysteen rag qaarkood la kala safnaa dhinacyadii Muqdisho ku dagaallamay horraantii 2021, kadib muddo kordhintii uu baarlamaanka ansixiyay.

Doorashada Soomaaliya ayaa si dardar leh uga socota maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle, iyadoo gudiga maamulka doorashooyinka xildhibaanada labada aqal ee gobollada Waqooyi uu maalmaha soo socda dooran doono saddexda kursi ee ugu dambeysa.

Puntland iyo Jubaland ayaa dhankooda gaabis ka muuqdaa, waxaana weli aan xal muuqda laga gaarin khilaafka hareeyay Boosaaso iyo Garbahaareey oo ah degmooyinka labaad ee ay ka dhacayso doorashada maamulladaas.

Xiggasho: BBC

Category