Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Balanbal oo maanta deggan

Dhuusamareeb (RH)-Waxaa maanta deggan xaaladda deeganno ku dhow degmada Balanbal oo ka tirsan gobolka Galgaduud halkaasoo ay ku dagaallamayeen labadii maalin ee la soo dhaafay maleeshiyo beeleedyo iska horjeeda.

Dadka deeganka ayaa sheegay in maanta deegannada aysan ka dhicin wax dagaal, waxaana socda dadaalo lagu daminayo colaadda oo salka ku haysa aanooyin qabiil iyo dhul daaqsiimeed.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalka oo ka dhacay dhinaca galbeed ee Balanbal qiyaastiina 45 km xadka u jirta Itoobiya.

Inta badan meydadkii ku dhintay dagaalka socday labada cisho ayaa maanta la aasay, waxaana la sheegaya in weli labada dhinac ay is hor fadhiyaan.

Dhaawacyada qaar ayaa loo kala qaaday magaalooyinka Muqdisho, Gaalgacyo iyo Dhuusamareeb.

Colaaddan ayaan ahayn mid ku cusub deeganka waxaana dhowr mar uu ka dhacay dagaal deeganka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category